Beesha caalaamka oo war xasaasi ah ka soo saartay xaaladda Soomaaliya

0

Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadda soo korortay ee Villa Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay ka walaacsan-tahay muranka ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ay NISA shaacisay in dileen xoogaga Al-Shabaab.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada Beesha Caalamku* waxay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

Waxaan ku boorineynaa madaxda Soomaalida inay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaankan, gaar ahaanna ay ka fogaadaan fal kasta oo horseedi kara rabshado. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta Heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka, iyagoo garwaaqsan horumarka ilaa iyo hadda ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka oo hoos yimaada hoggaaminta wax ku oolka ah ee Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here