Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya

0

Xubnaha beesha caalamka ayaa war cusub kasoo saaray doorashooyinka Soomaaliya, iyaga oo marka hore soo dhoweeyey hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada inay sii wadaan dadaalladooda ku aadan qabsoomida doorashada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqayaan DXDF inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo.

Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd. Arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah waxaa ka mid ah: in diyaargarow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here