Beesha caalamka oo war cusub kasoo saartay shirka magaalada Muqdisho

0

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in shirka Muqdisho ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si  loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay ayaa loogu baaqay dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan heshiiskii 17kii Sebtember.

Beesha Caalamka waxay soo dhaweeyay ballanqaadka dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ee ka-qaybgalka shirka si shuruud la’aan ah.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayay Beesha Caalamku ku bogaadisay qabashada shirka Muqdisho, waxayna u rajeysay in uu sii hoggaamin doono geedi-socodka doorashada, oo ay ku jirto amniga doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here