Beesha caalamka oo war cusub soo saartay, kadib dhaarinta xildhibaanada

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal si wadajir ah uga soo baxay xubnaha beesha caalamka ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo dhammeystirka doorashooyinka Soomaaliya.

Ugu horreyn beesha caalamka ayaa soo dhoweysay munaasabadda dhaarinta xildhibaanada cusub oo maanta lagu qabtay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada caalamka* waxay soo dhaweynayaan dhaarinta maanta ee xubnaha dhowaan la doortay ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Soomaaliya. Kaddib muddo ka badan hal sano oo dhammaan hay’adaha Soomaaliyeed ee la soo doortay ay dhaafeen waqtigoodii dastuuriga ahaa, waxaan ku faraxsanahay in baarlamaanka cusub uu hadda diyaar yahay.

Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarka hoobiyaasha ah, ee ay mas’uuliyadiisa sheegteen al-Shabaab, oo subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay meel ku dhow goobta ay ka dhaceysay xafladda dhaarinta.

Waxaan ku hanweynahay in si degdeg ah loo dhamaystiro marxaladaha haray ee geedi-socodka doorashada, gaar ahaan doorashada hoggaanka baarlamaanka, kadibna Madaxweynaha. Waxaan ogsoonahay in ay jiraan kuraas baarlamaan oo aan la buuxin, waxaana fahamsanahay in, marka kuwan la go’aamiyo, in xubnaha dheeraadka ah la dhaarin karo oo ay ku soo biiri karaan geeddi-socodka hadba meeshi uu marayo.

Saaxiibbadu waxay mar kale ugu baaqayaan madaxda Soomaalida inay yareeyaan xiisadaha siyaasadeed, ixtiraamaan xuquuqda aadanaha iyo xorriyaadka muwaadiniinta Soomaaliyeed, ayna si deg deg ah, nabad oo lagu kalsoonaan karo u soo gebagebeeyaan hannaanka doorashada.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here