Beesha Caalamka oo war ka soo saartay rabshadaha ka socdo Laascaanood

0

MUQDISHO (SMN) – Warsaxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Beesha Caalamka ayaa marka hore shaaca ka qaaday in ay aad uga walaacsan tahay rabshadaha ka socda magaaladaas iyo khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah.

Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo xasiloonida magaalada Laascaanood, isla-markaana wax weliba lagu dhammeeyo wadahadal.

Halkan hoose ka aqriso:-

Saaxiibada Beesha caalamka ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan.

Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here