Beesha Caalamka oo war kasoo saartay doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud

0

MUQDISHO (SMN) – Saaxibbada Caalamka ee Soomaaliya ayaa u hambalyeeyey madaxweynaha cusub ee loo doortay Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxay u mahadceliyeen Madaxweynaha xilka ka dagay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida uu u oaqbalay natiijada doorashada ka soo baxday isla-markaana uu u ballan qaaday madaxweynaha baddalay inuu garab siinayo.

Halkan hoose ka aqriso:- 

Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya waxay Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyeen doorashada loo doortay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaan Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya isagoo si dhakhsa ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona.

Waxaan u mahadcelineynaa hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo hawlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha, iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Howlgalka Kalaguurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya sida ay u hirgeliyeen qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah.

Annanga Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxaan weli ku taaganahay ballanqaadkeenna aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortabinta u leh Madaxweynaha cusub si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here