Beesha caalamka oo war ka soo saartay xiisadda Villa Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Xubnaha beesha caalamka ayaa war cusub kasoo saaray xiisadda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka madaxweynaha & ra’iisul wasaaraha.

Beesha caalamka ayaa ugu baaqday labada dhinac inay is xakameeyaan, isla-markaana aysan uga sii darin xiisadda haatan ka taagan Villa Soomalaiya.

Halkan hoose aqriso:-

Muqdisho, 17 Sebtembar 2021 – Iyadoo dadka Soomalaiyeed ay xusayaan sannad-guuradii 1aad ee kasoo wareegtay Heshiiskii 17kii Sebteembar, ayaa saaxiibbada beesha caalamka* waxay aad uga walaacsanyihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here