Beesha Caalamka oo war xasaasi ah kasoo saartay xaaladda dalka

0

MUQDISHO (SMN) – Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen dalalka iyo hay’adaha daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa walaac loogaga muujiyay xiisada siyaasadeed ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa loogu baaqay madaxda dalka in la qaboojiyo xiisada isla markaana diirada la saaro arrimaha doorashooyinka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka:-

Waxaan madaxda Soomaaliya ugu baaqaynaa inay danta dalka ka hormariyaan wax walba, ayna dejiyaan xiisadda siyaasadeed ee kacsan, iyo inay ka joogsadaan daandaansiga ama adeegsiga xoogga oo wiiqi kara nabadda iyo xasilloonida”

Sidoo kale waxaa ay ku baaqeen in sida ugu dhakhsiyaha badan loogu baahan yahay kulan ay yeeshaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ay weheliyaan wadtashiyada kale ee dhexmaraya saamilleyda muhimka ah, si loo dardargeliyo loona hagaajiyo geedi socodka doorashada.

Warkan waxaa si wadajir ah u soo saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Holand, Norway, Suudaan, Iswiidhan, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here