BF oo u codeeyey in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September

0

Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod gacantaag ah Ku aqbalay in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, Codeyntii la qaaday waxaa aqbalay 140 Xildhibaan, majirin Xildhibaan diiday ama ka aamusay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xildhibaannada ay cod aqlabiyad leh Ku meel mariyeen in dib loogu laabto heshiiskii 17 September, isagoo intaa ku daray in sidan uu ansax ku yahay.

Kulankii maanta ayaa waxaa soo xaadiray 140 mudane, kuwaasi oo si aqlabiyad leh ku meel mariyay in dib loogu laabto heshiiskii 17-kii September.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here