BF Soomaaliya oo si adag uga hadlay xiisadda ka taagan Laascaanood

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoonka sare ee Golaha Shacabka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa maanta si kulul uga hadlay xiisadda kacsan ee ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Afhayeenka Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa ugu baaqay Somaliland inay joojiso dhaq-dhaqaaqa ay ka wado magaaladaasi, si loo qaboojiyo xiisadda taagan.

“Aniga ku hadlaya afka Golaha Shacabka waxaan ugu baaqayaa Somaliland in arrinta kasoo cusboonaatey Laascaanood ay halkaas ku hakiso oo aysan dib dambe u dhicin is-dil dambe oo nabad lagu soo dabaalo” ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale waxaa wariyeyaasha la hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliyeed oo iyaguna si adag uga falceliyay dhibaatooyinka ka socda Laascaanood.

“Muuse Biixi ayaa ka mas’uul ah gumaadka ka socda Laascaanood” ayuu yiri Xildhibaan Cali Xaaji oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya.

“Mudane Maareeye, waxaan ka rabnaa cadeyn ah in Ciidanka Somaliland aysan Shacab ku dilin Laascaanood” ayey iyaduna tiri Xildhibaan Sahro Bundubte.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa galay maalintii shanaad, waxa ayna ka dhasheen dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca magaaladaas oo dhacda waqooyiga Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here