Biyo la’aan baahsan oo ka jirta gobolka Mudug

0

Wararka ka imaanaya deegaanno ka tirsan koofurta gobalka Mudug ayaa sheegaya, in halkaasi ay ka jirto abaar ba’an oo saameyn ku yeelatay nolasha dadka iyo duunyadaba.

Dadka ku dhaqan deegaanka Baraag Ciise ee hoostagta degmada Bacaad weyne ee gobalka Mudug, ayaa sheegaya in iyagoo markii horaba la daalaa dhacayay dhibaatooyin ka haystay dhanka adeegyada aas-aasiga ah ay hadda ugu darsameen abaar iyo biyo la’aan baahsan kadib markii ay gureen barkadihii ay biyaha ka cabi jireen.

Salaad Ciise Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka Baraag Ciise ayaa BBC u sheegay inay ka cabsi ka qabaan haddii xaaladda biyo la’aaned ay sidan sii ahaato, in ay halis ku jirto nolashooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here