Biyo la’aan baahsan oo ka jirta dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

0

MUQDISHO (SMN) -Biyo la’aan baahsan ayaa waxaa laga soo sheegayaa deegaanka Filtu ee gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka waddanka Itoobiya.

Waxaa gurtay wartii ay dadka deegaanka biyaha ka cabbi jireen, halka dadku ay sheegayaan in degmadu aanay lahayn ceel biyaha ay ka cabto.

Jirgaanka biyaha ayaa lagu kala iibsadaa qiimo aad u sarreeya oo aanay awoodin dadka danyarta ah.

Guud ahaan xoola dhaqatada deegaanka soomalida ayaa la sheegayaa inay wajahayaan abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamaysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here