Booliska Dhuusamareeb oo ka hadlay kufsi lagu eedeeyay Macallin Dugsi

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Taliska Booliska magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobleedka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdo kufsi ah oo maalmahan la hadal hayey inay ka dhacday gudaha magaaladaasi oo sidoo kale xarun u ah gobolka Galgaduud.

Taliyaha saldhigga Dhuusamareeb, Nuur Cilmi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay in baaris dheer kadib la ogaaday inuu been abuur yahay falkan kufsiga ah ee lagu soo eedeeyay Macallin Dugsi Qur’aan oo lagu magacaabo Shuceyb Cabdi Maxamuud, kaas oo maxkamad lasoo taagay isaga oo loo haysto kufsi la sheegay inuu u geystay saddex gabdhood oo yar yar.

Taliye Nuur Cilmi ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in haatan la sii daayay Macallinka, isla-markaana maxkamadda gobolka Galgaduud ay ku weysay wax dambi ah, wuxuuna taliyuhu digniin culus u diray dadka inta badan faafiya wararka been abuurka ah.

Arrintaan ayaa dad badan la yaab ku noqotay, maadaama si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, balse waxaa meesha ka saartay maxkamadda gobolka Galgaduud oo go’aan ka soo saartay kiiska, ugu dambeyna sii deysay Macallin Shuceyb Cabdi Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here