Ciidamada Booliska Malta oo baaraya geerida muwaaddin Soomaali ah

0

MUQDISHO (SMN) – Booliska Malta ayaa sheegay in baaritaan ku hayaan shan qof oo lala xiriirinayo shil ka dhacay warshad ku taallo magaalada Marsa  ee Malta, halkaas oo uu ku geeriyooday muwaaddin Soomaaliyeed.

Ciidamada Booliska Malta ayaa sheegay in xiray laba nin, lana weydiinaayo su’aalo ku aaddan sababa geerida muwaadinkan Soomaaliyeed, halka ay xuseen in ay la hadleen saddex kale, taas oo ka dhigan in lagu tuhunsanyahay geerida muwaaddinkan, sida uu qoray Wargeeyska timesofmalta.

Allaha u naxariisteen Axmed Cadaawe Diiriye, oo Soomaali ah, ayaa ka soo dhacay dhismayaal is dulsaaran (Dabaq) kaasi oo dhaawacii soo gaaray u geeriyooday.

Booliska ayaa sheegay in wiilkan la waayay galabnimadii Isniinta, ee Todobaadkii hore, kadibna dhaawaciisa laga helay Isbitaal aan ka fogeen daartii uu ka soo dhacay.

Ugu danbeeyn Booliska Malta ayaa sheegay inaay baarayaan in ninkan dabaqa laga soo tuuro iyo in uu asaga iska soo tuuray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here