Booliska Norway oo qabtay nin qaanso iyo leeb ku dilay shan qof

0

KONGSBERG (SMN) – Waddanka Norway shan qof ayaa dhimatay laba kalana waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu dadkaasi weerraray nin adeegsanaya qaanso iyo falaar.

Booliska ayaa abaare 18:13 waqtiga maxalliga ah waxaa la soo gaarsiiyay warka weerrarka ka dhacay magaalada Kongsberg ee koonfur galbeed ka xigta magaalada caasimadda ah ee Oslo.

Nin u dhashay waddanka Denmark oo 37-jir ah ayaa loo xiray tuhun ah inuu weerrarka fuliyay.

Booliska ayaa rumaysan inuu kaligii falkaas fuliyay, waxa ayna baari doonaan in falkaasi uu ahaa mid argagixiso, sida uu sheegay afhayeen.

Ra’iisul Wasaare Erna Solberg ayaa sheegtay in wararka dhacdadaas ay ahaayeen “kuwo argagax leh”.

“Waxaan fahansanahay in dad badan ay cabsanayaan, hasayeeshee waxaa muhiim ah inaan adkeeyo in boolisku ay haatan howsha gacanta ku hayaan,” ayey ka sheegtay shir jaraa’id, sida ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Qofka weerrarka gaystay ayaa la sheegay in weerrarka uu ka fuliyay suuqyaraha Coop Extra ee dhaca galbeedka magaalada Kongsberg. Mid ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa ah askari boolis ah oo fasax ku jiray kaas oo waqtiaas dukaanka ku sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here