HARGEYSA (SMN) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in xalay ciidamada ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen nin dil ka geystaan hoteel ku yaalla magaaladaasi.
Booliska ayaa sheegay in ay soo qabteen eedeysane lagu magacaabo Ifsa Axmed Shariif oo kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada, kaas loo heysto dilka Marxuum Aamiin Siciid Sidiiq.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in eedeysanaha uu Marxuumka ku dilay feer & jilib, kadib markii ay ku dagaalameen hoteelka Guuleed ee magaalada Hargeysa.
“Eedeysanahan ayaa ku eedeysan in uu ku dilay Marxuumka feer jilib uu ku dhuftay, Dilkan ayaa ka dhacay Hoteel Guuleed ee magaalada Hargeysa hortiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waa dilkii labaad ee muddo 24 saac gudahood ka dhacaya magaalada Hargeysa, ayada oo dhacdo tan la mid ah habeen hore ay ka dhacday Hoteelka Niil, kadib markii eedeysane Baashe Faarax Cabdi oo lasoo qabtay uu Toorey ku dilay Marxuum Jimcaale Rashiid Xasan.