Taliska Booliska oo shaaciyey in la soo afjaray weerarkii Villa Rays + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyn soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay Al-Shabaab ka geysatay magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa xalay lagu qaaday hoteelka Villa Rays oo ku yaalla agagaarka xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Afhayeenka Booliska, Sadiiq Aadan Doodishe oo ka warbixiyey weerarkan ayaa sheegay in ragga gudaha u galay hoteelka ay ahaayeen illaa 6 nin, islamarkaana uu mid ka mid ahaa isku qarxiyey afaafka hore ee hoteelka, halka 5 kalena uu sheegay in toogasho lagu dilay.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhinteen illaa 8 qof, islamarkaana lasoo bad-baadiye illaa 60 kale oo isugu jiro mas’uuliyiin iyo dad shacab ah.

Halkan hoose ka daawo:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here