Burcad hubeysan oo lagu qabtay degmada Xamarweyne + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska ee saldhigga Xamarweyne oo saacadihii la soo dhaafay howlgal ka sameeyay degmadaas ayaa gacanta ku soo dhigay rag burcad ah oo dhac u geysanayay shacabka.

Raggan oo labo ahaa ayaa ciidamada ammaanka waxa ay la soo qabteen qoray AK47 ah iyo mooto Bajaaj ay u adeegsanayeen dhaca, sida uu shaaciyay Boolislka gobolka Banaadir.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in labada nin  lagu xiray saldhigga Xamarweyne, isla-markaana loo gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Ciidanka Booliska Saldhigga Degmada Xamarweyne ayaa xabsiga dhigay labo kamid ah burcadda hubaysan ah ee dadka Shacabka ah beerta xiliyada habeenkii ah, kuwaas oo ciidanku ka qabteen isla Degmada xamarweyne” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Sidoo kale wuxuu Booliska intaa ku daray in xilliga lasoo qabanayay raggan ay dhacayeen labo qof dumar ah oo marayay agagaarka Kawaanka Malaayga ee degmada Xamarweyne.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa waday howlgallo ballaaran oo lagu dagaalamayo burcadda hubeysan ee dhibaatada ka wada Muqdisho.

Si kastaba, ciidamada ayaa ku guuleystay soo qabashada eedeysanayaal kala duwan oo lagu qabtay howlgallo habeenadii la soo dhaafay laga sameeyay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana gacanta Booliska soo galay dhowr kooxood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here