Buuq xoogan oo ka dhashay xil ka qaadis lagu sameeyey xubnaha guddiga xalinta

0
MUQDISHO (SMN) – Buuq xooggan ayaa ka dhex taaggan Hotelka ay Muqdisho ka deggan yihiin xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka oo xil ka qaadis lagu sameeyey Saacado ka hor xubno kamid ah guddiga.
 
Wasiirka Amnigga Cabdilaahi Maxamed Nuur ayaa gaaray daqiiqado ka hor Hotel-ka ay guddiga deggan yihiin.
 
Xubnaha Guddiga ayuu faray wasiirka in ay ka baxaan hotelkja 7- xubnood ee xil ka qaadista lagu sameeyey oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka Xuseen Laki.
 
Wasiirka Amniga oo wata ciidamo ayaa kala kulmay xubnaha guddiga amar diido ka dhan iney baxaan todobadaas xubnood ee xilka yuubinta lagu sameeyey.
 
Intaas ka dib waxaa goobta ka dhashay buuq xooggan oo dhex maray xubnaha guddiga iyo wasiirka amniga kaas oo tilmaamay inaanu goobta ka taggeen ilaa laga saaro hotelka xubnaha xilalka laga xayuubiyey.
 
marka laga taggo xubnaha laga qaaday waxaa ku aragti ah xubnaha kale aan la taaban kuwaas oo hogaaminaye gudoomiye ku xigeenka Maxamed Barre.
 
dhamaan xubnaha guddiga xalinta khilaafadka waa isku aragti ka biyo diidan xilka qaadista uu sameeyey wasiirika koobaan ee xukuumadda maxamed Hussein rooble.
 
Wasiirka amniga cabdilaahi maxamed nuur ayaaa isna ku howlan fulinta amarka raisul wasaare Rooble.
 
Guddiga ayaanna tilmaamay iney qaban doonnaan shir jaraaid oo kaga hadli doonan sida uu ku yoimad khilaafkan iyo buuqa ka dhex jirra hotelka ayd eggan yihiin
 
Dhinaca kale madaxda dowlad goboleedyadda ayaaa laga yaabaa in saacadaha soo socda ka hadlaan xilka ka xuubinta uu sameeyey wasiirka koobaad ee xukuumadda maxamed xuseen rooble.
 
Xubnaha guddiga xalinta khilaafaadka ayaa saakay shir jaraaid oo ay qabteen waxaa ay baaq ugu direen midowga musharaxiinta taas oo ku aadaneyd iney joojiyaan marin habaabin ay sheegen iney guddiga ku sameenayaan.
 
Dhanka kale Ceyrinta 7 ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka ayaa soo saaray inuu jiro loolan u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo xafiiska ra’isul wasaaraha. Warar lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyey in ceyrintooda aaney shaqo ku laheyn codsi ka yimid mucaarad ama siyaasad ay ku milmeen iyo arrimo kale balse ay la xiriirto is faham waay soo kala dhexgalay Md qoorqoor iyo pm rooble.
 
Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xilgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa goordhow ceyriyey 7 ka tirsan xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka, waana xubnihii uu umagacaabay markii hore guddiga doorashada. Talaabadan ayuu Rooble qaaday kadib markii 15-kii bishan ay guddigu gudbiyeen kuriga xildhibaan ee Yaasiin Fareey .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here