C/casiis Lafta Gareen oo maamul cusub u magacaabay gobollada Baay iyo Bakool

0

BAYDHABO (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen oo wareegto soo saaray ayaa maamul cusub u magacaabay gobollada Bay iyo Bakool.

Warqad kasoo baxday madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in markii Madaxweynuhu  ay tallo soo jeedin uga timid wasaaradda arrimaha gudaha uu magacaabay xubnahaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Baay ayaa waxaa loo magacaabay Mudane Cabdifitaax Maxamed Ibraahim (Biyaano), halka Guddoomiyaha maamulka gobolka Bakool uu Madaxweyne Lafta Gareen u magacaabay Mudane Maxamed Cabdi Maxamed (Tall), ku xigeenkiisa Amniga & siyaasadda ayaa waxaa isna loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur (Snike).

Arrintan ayaa qayb ka ah isbedelada uu wado Cabdicaiis Lafta Gareen, kadib markii xubnihii ugu badnaa ee maamulkaas ay ku biireen baarlamaanka 11-aad ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here