Cabdi Cali Raage oo ka hadlay sababta looga soo celiyey magaalada Kismaayo

0

Siyaasiga caanka ah Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha dhanka doorashooyinka ee madaxweynaha Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sababta saaka magaalada Kismaayo looga soo celiyey diyaaraddii uu la socday oo ugu dambeyn dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cabdi Cali Raage ayaa sheegay in sabab la xiriirta arrimo siyaasadeed darteed loogu diiday inuu ka dago Kismaayo, maadaama uu haatan khilaaf xoogan kala dhexeeyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay is hortaagga lagu sameeyey ay ka dambeeyaan mas’uuliyiintta ugu sarreysa Jubbaland, isaga oo intaasi ku daray inay doonayaan boobka kuraasta xildhibaanada ee taalla Jubbaland.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday inuu dib ugu laaban doono magaalada Kismaayo, maadaama uu yaallo kursiga beeshiisa, sidoo kalena ay dagan yihiin qaraabadiisa iyo sidoo kale ehelladiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here