MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Aqalka Sare,ee BJFS Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa xalay hoygiisa ku qaabilay guddoonnada Baarlamaanka Dowlad Goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo magaalada Muqdisho u jooga howlo shaqo.
Kulanka ayaa looga wada hadlay adkaynta xiriirka wadashaqayn ee Aqalka Sare iyo Golayaasha Xeer-dejinta Maamul dowlad Goboleedyada iyo in Aqalka Sare oo gudanaya waajibaadkisa Dastuuriga ah uu la fududeeyo golayaasha waxyabaaha muhiimka u ah shaqooyinkooda ee uga xiran Dowladda Federaalka
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku booriyay Guddoomiyaasha in ay dardar geliyaan waajibaadka iyo howlaha shaqo ee ay u hayaan shacabka ku nool Maamulada ay matalaan oo ka sugaya dejinta Xeerar iyo sharciyo xoojinaya Dowladnimada.