C/casiis Afrika oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarixii lala beegsaday

0

MUQDISHO (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax caawa fiidkii hore ka dhacay agagaarka isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lala beegsaday agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed iyo midka Radio Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in agaasimaha Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika) oo uu dhaawac ka soo gaaray qaraxaas mar dambe u geeriyooday, kadib markii loola cararay isbitaalka.

Sidoo kale waxaa dhaawac ah agaasimaha Telefishinka Qaranka,  Sharma’arke Maxamed Warsame oo haatan xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliyeed oo xiray dhaq-dhaqaaqa guud ee halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here