Cabdikariin Guuleed oo farriin diray kadib qabashada degmada Ruun-nirgood

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo war qoraal ah soo saaray ayaa boggaadiyay howlgallada ka socdo deegaanada HirShabelle, gaar ahaan qabashada degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Siyaasi Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa HirShabelle ugu hambalyeeyay guulaha ay ka gaartay howlgallada haatan ka socdo gobollada Hiiraan Shabeelaha Dhexe.

“Hambalyo reer Hirshabele oo ayagoo isku duuban kaashanayana ciidamada Xoogga Dalka ka xoreystay cadowga argagaxisada ah degmadii ugu danbeysay ee maamulkooda. Degmadaas oo ah degmada Ruun- Nirgood. Waxaana rajeynayaa in deegaanada galbeedka ee maamulka ee ay wali ku sii harsan yihiin haraadiga cadowga deg deg ay oga xoreysan doonaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu baaq u diray maamul goboleedyada kale ee dalka, isaga oo ku booriyay inay ku deydaan HirShabelle, si Al-Shabaab looga saaro dalka oo dhan.

“Waxaan ku boorinayaa dowlad gobaleedyada kale in ay ku daysadaan maamulka Hirshabele iyo shacabkooda oo ay si deg deg ah iskaga kor qaadaana reeryada cadowga iyo gumeysigiisa,” ayuu markale yiri Mr. Guuleed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo ayada oo maanta degmadii u dambeysay ee HirShabelle laga saaray Al-Shabaab, taas oo ah Ruun-nirgood oo 264 KM u jirta magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here