Cabdikariin Xuseen Guuleed oo ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socdo Sh/Dhexe

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay dagaal beeleedka haatan ka soo cusboonaaday duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guuleed oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ayaan darro ay tahay, iyadoo dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah Al-Shabaab xilligaan la sii huriyo colaad beeleed.

Sidoo kale wuxuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobolka Shabeelaha Dhexe.

Halkan hoose ka aqriso:-

BAAQ NABADEED
Waxaan ugu baaqayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya gobalka Shabeelaha Dhexe inay dagaalka iyo dhiigga sida micna darida u qubanaya joojiyaan, waxii khilaaf iyo is afgaranwaa ah ee jirana ay wadahadaliyo wada xaajood ku xaliyaan.

Runtii waa ayaan daro in ayadoo uu dalku ku jiro halgalna ladagaalanka iyo ciribtirka kooraha argagaxisada ah in dagaaladaan nadiib darida ah ay dhacaan. Kuwaas oo ay hubaal tahay in ay gacan siineyso una hiilineyso kooxahaas argagaxisada ah, halka ay wiiqeyso kana xagal daacineyso halganka socda ee ciribtirka argagaxisada.

Haddaba mar kale waxaan ku baaqaya in dagaaladaas la joojiyo, gogol wadahadalna la furo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here