Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulamo ka wada dalka Canada + Sawirro

0

OTTAWA (SMN) – Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, u qaabilsan  Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho ku jooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Canada HoruHarjit Sajjan.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Wasiirka kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha ka jira  Soomaaliya, sido kale Ergayga waxuu ka codsaday Wasiirka  sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.

Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here