Mustafe Cagjar oo dib loogu doortay madaxweynaha dowlad deegaanka

0

JIGJIGA (SMN) – Golaha Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa kallfadhigoodii lixaad si buuxa u ansixiyay in madaxwayne Mustafe Muxumed Cumar uu noqdo shanta sano ee soo socota madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dhanka kale golaha ayaa ansixiyay in madaxweyne ku xigeenka uu noqdo Ibrahim Cusmaan faarax, sida lagu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Soomaalida.

Mustafe Cagjar ayaa is-maamulka hoggaaminayey saddexdii sano ee la soo dhaafay, kadib isbedalkii ballaarnaa ee ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here