Madaxweyne Mustafa Cagjar oo ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya

0

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafa Muxumed Cagjar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay in dagaalka ka socda Itoobiya uu u dhaxeeyo kooxda TPLF oo uu argagixiso ku tilmaamay iyo dawlada Itoobiya.

“Dagaalka ka socda Waqooyiga Itoobiya wuxuu u dhaxeeyaa argagixisada TPLF iyo dawlada federalka Itoobiya, ee uma dhaxeeyo laba deegaan oo dhul isku haysta. Waxaa argagixisada TPLF u qorshaysan inay dumiso nidaamka hadda jira dibna saameeyn ugu yeelato siyaasada dawlada dhexe si ay mar kale u guumaysato shucuubaha dalka ee Soomaalidu ka mid tahay,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in baraha bulshada ay taageerayaasha TPLF la dhex wareegayeen talooyin liita kuwaas oo uu ku tilmaamay inay kabaha u qaadayaan dadkii horay u xasuuqday shacabka deegaanka Soomaalida.

“Waxaa ayaamahan baraha bulshada talooyin liita la dhex wareegaya taageerayaasha TPLF oo u badan kuwii shalay kaba-qaadka u ahaa kooxdaas markii ay xasuuqayeen shacabka deegaanka Soomaalida. Waxa ay rajaynayeen in argagixisadu dumin doonto dowladda dhexe halkaasna ay uga soo bixi doonto fursad kaba-qaadnimo oo ay dadkooda mar kale ku dulleeyaan.” Ayuu madaxweynaha raaciyay.

Kaddib markii Jabhadda Tigray ay la wareegeen magaalooyinka Korem iyo Alamata, gobolla kala duwan ee dalka ayaa bilaabay inay ciidamo u daabuleen deegaanadaas.

Gobolka Amxaarada ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay soo weereen. Saraakiisha Gobolka Axmaarada ayaa ku dhawaaqay inay qaadayaan dagaal cusub oo ka dhan ah ciidamada Tigray.

Ciidamada Tigray ayaa sidoo kale la wareegay magaalooyin muhiim ah todobaadyadii lasoo dhaafay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here