Cali Guudlaawe oo baaq u diray beelaha ku dagaalamaya Hiiraan

0

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Baledweyne.

Cali Guudlaawe ayaa nasiib darro ku  tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg-deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here