Cali Guudlaawe oo guddi u xil-saaray dilka taliyihii saldhigga Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay magacaabay guddi baaris ku sameeya dilka Taliyihii Saldhiga Booliiska Degmada Beledweyne Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Xueen Maxamuud( Duurdege).

Guddigan oo ay ku jiraan saraakiisha amniga ayaa dabagal ku sameyn doono shaqaaqadii lagu dilay taliyihii saldhigga Beledweyne, si loola xisaabtamo ciidamadii ka dambeeyey falkaasi.

Marxuuumka ayaa shalay ku dhintay iska hor imaad ka dhacay gudaha saldhigga, kaas oo u dhexeeyey ciidamada booliska Beledweyne iyi kuwa Haramcad ee dhowaan la geeyey halkaasi.

Halkan hoose ka aqriso magacyada xubnaha guddiga:- 

1: Gaashaanle Maxamed Cabuqaadir Maxamed oo ah kuxigeenka xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida, kaas oo guddiga looga dhigay Guddoomiye.

2: Gaashaanle Sare Xasan Dhicisow Xasan oo ah Taliyaha Booliska Hir-Shabeelle oo guddiga looga dhigay Guddoomiye kuxigeen.

3: Gaashaanle Sare Isaaq Cali Cabdulle oo ah Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Xubin.

4: Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay oo ah Taliyaha Guutada 5aad ee qeybta 27aad Xubin.

4: laba Xidigle Colaad Cabdullaahi Dalabeey oo ah Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Gobolka Hiiraan Xubin.

5: laba Xidigle Muuse Salaad Wehliye Xubin.

6: laba Xidigle Xuseen Axmed Maxamed Xubin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here