Cali Guudlaawe oo la kulmay wakiilo ka socday Beesha Caalamka

0

MUQDISHO (SMN) -Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kula kulmay wakiilo ka socday Beesha Caalamka.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen arimo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen doorashooyinka ,xaaladaha abaaraha iyo fatahaadaha ku soo noqnoqday Hirshabeelle.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo lagu dardar-gelinayo doorashada baarlamaanka Soomaaliya oo muhiim u ah mida madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here