Madaxweyne Cali Guudlaawe oo la kulmay wasiiro ka tirsan dowladda

0

JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xalay Aqalka Madaxtooyada Hirshabelle casho sharaf ugu sameeyay Wasiirada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xildhinaanada Baarlamaanka Federaalka Gudigii qaban qaabada xuska sanad guurada 5aad ee aas-aaska Hirshabelle iyo marti sharaftii kala duwaneyd ee Magaalada Muqdisho uga yimid ka qeybgalka sanad guurada Hirshabelle.

Casho sharaftaan waxaa kasoo qeybgalay Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Mudane Siraaji Sheikh Isxaaq.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Wasiirada XFS Xildhinaanada BFS iyo martida sharafta leh ee qiimaha badan ee Magaalada Jowhar u yimid weyneynta sanad guurada 5aad ee aas-aaska Hirshabelle.

-DHAMAAD-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here