BELEDWEYNE (SMN) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo ka hadlayey howlgallada ka socdo gobolkaasi ayaa dalab culus u diray shacabka ku dhaqan deegaanka Moqokori.
Cali Jeyte ayaa ugu baaqay reer Moqokori in ay toos ugu biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
”Waa in si buuxdo reer Moqokori ugu soo biiraan dagaalka Al-Shabaab” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.
Halkan hoose ka daawo:-