Cali Xarbi oo lagu soo oogay dacwad dil ah, kadib markii loo xiray dilkii Amess

0

LONDON (SMN) – Nin 25 jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad dil iyo diyaarinta falal argagixiso kadib markii tooreey lagu diley xildhibaan Sir David Amess.

Cali Xarbi Cali ayaa la xiray ka dib weerarkii ka dhacay deegaanka Leigh-on-Sea, Essex, Jimcihii.

Sir David, oo ahaa xildhibaan muxaafid ah, tan iyo 1983-kii, ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo badan oo tooreey ah, wuxuuna ku dhintay isla goobta.

Cali waa nin British ah oo aabihiis uu hore u ahaa la taliyaha Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Nick Price, oo ka tirsan Adeegga Xeer-ilaalinta, ayaa yiri: “Waxaan u gudbin doonnaa maxkamadda in dilkan uu xiriir leeyahay argagixiso”.

Cali Xarbi ayaa lagu eedeeyey inuu booqday guriga hal xildhibaan iyo Guryaha Baarlamaanka sannadkan, taa soo qayb ka ah sahaminta weerar dhici kara.

Khamiistii, Mr Ali, oo ka yimid waqooyiga London, ayaa ka soo muuqday Maxkamadda Westminster Magistrates ‘Court. Isagoo xidhan dhar isku joog ah oo midabkiisu yahay madow xigeen iyo muraayado madow, ayuu hadlay si uu u xaqiijiyo magaciisa, da’da iyo cinwaankiisa.

Sidoo kale waxaa dib loogu celiyay xabsiga waxaana lagu wadaa in Jimcaha uu ka soo muuqdo Old Bailey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here