Cali Yare oo ka digay dibad-baxa la qorsheynayo in lagu qabto Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa maanta shir gudoomiyay kulan ujeedkiisu ahaa xoojinta sugida amniga Caasimadda kaas oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo agaasimayaal.

Shirkan oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar ayaa inta uu socday waxaa aad loo falan qeeyay sidii loo xalin lahaa caqabadaha ka jira dhinaca amniga iyo la dagaalanka kooxaha burcadka ah ee dhaca u geysta bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa shirka kadib Warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay sidii amniga Caadimadda uu u noqon lahaa mid la isku haleyn karo.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan dibad-baxa la qorsheynayo in dhowaan lagu qabto gudaha magaalada Muqdisho, wuxuuna ka digay banaan-baxaasi oo uu tilmaamay in uusan ka war qabin maamulka gobolka Banaadir.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here