Cali Yare oo shaaciyey inuu gobolka Banaadir u madax banaan yahay amnigiisa

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo maanta u warramay wariyeyaasha ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho, isaga oo marka soo dhoweeyey go’aankii kasoo baxay odayaasha dhaqanka ee lagu baajiyey dibad-baxii laga abaabulayey gudaha caasimadda.

Cali Yare ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in inta doorashada lagu jiro uu gobolka Banaadir u madax bannaan yahay amnigiisa, siyaasaddiisa iyo taladiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay haddii waraaqaha wasaaradda amniga ka shaqeyneynin magaalooyinka kale ee dalka aysan jirin sabab culeys gaar ah loo saaro gobolka Banaadir.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa taagnaa khilaaf u dhexeeyo wasaaradda amniga  gudaha iyo gobolka Banaadir, kaas oo ku aadan howlaha la xiriira amniga caasimadda.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here