Carruur ka timid Dugsi Qur’aan oo miino ay kula qaraxday gobolka Hiiraan

0

BELEDWEYNE (SMN) -Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in saddEx carruur ah oo ka soo baxay Dugsi Qur’aan ay miino kula qaraxday deegaanka Miir-Caddo oo qiyaastii 45 KM, dhanka koonfur bari ka jirta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi.

Mid ka mid ah carruurta ayaa geeriyooday, halka labada kalena dhaawacooda la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne, si loogu daaweeyo.

Dhowaan ayey aheyd markii duleedka Beledweyne ay Al-Shabaab ku dileen illaa 20 qof, kadibna ay gubeen gawaaridii ay la socdeen oo ka yimid dhinaca Beledweyne.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii dambe gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ka waday dhaq-dhaqaaqyo, iyaga oo dagaallo culus la galay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here