Carruur walaalo ah oo miino ay kula qaraxday deegaan ka tirsan Togdheer

0

BURCO (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Togdheer ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaanka Sibidhley oo ka tirsan gobolkaasi.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay haraadiga miino taalay halkaasi, waxayna ku qaraxday carruur walaalo ah oo xoolo ku ilaalinayey deegaankaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ku dhintay ugu yaraan hal cunug, ayadoo ay dhaawacyo soo gaareen labo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee magaalada Burco, kuwaas oo ku guuleystay in ay isla goobta ka soo saaraan miinooyin kale oo aan qarxin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here