CC Shakuur oo kulan la yeeshay deeq-bixiyeyaasha caalamka + Sawirro

0

NEW YORK (SMN) – Ergayga Madaxweynaha Soomaaliyeed ee Arrimaha Gargaarka Bani’danimda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan la qaatay deeq-biyeyaasha Caalamka ayaa  ku booriyey in ay degdeg uga jawaabaan gurmadka abaaraha laga cabsi qabo in ay isku badalaan macluul.

Dhanka kale waxaa u hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd,taas oo xal u noqon karta abaaraha ku soo noqnoqday.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahadceliyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawlada Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq horleh ah.

Shirka oo diirada lagu saaray ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ka jira ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey dawaladaha Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska,Qatar iyo Qaramada Midoobay,waxaana sidoo kale ka soo qaybgalay in ka badan 30 dawladood,ururka Islaamka, Jaamcada Carabta, Midowga Afrika, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Gargaarka Caalamiga ah,USAID, Ingiriiska,Talyaaniga,Qatar iyo Ku xigeen xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha gargaarka bani’aadamka iyo gurmadka degdega ah,iyadoo ay ka qaybgalay madaxda hay’adaha Oxform, ICRC,WFP, IOM iyo IRC.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here