Ciidamada AMISOM oo dad shacab ah ku dilay gobolka Shabeelaha Hoose

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM maanta lagula beegsaday qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa ciidamadaasi lagula eegtay inta u dhexeysa Golweyn iyo Danow oo hoos yimaada deegaanka Shalanbood ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha maamulka Shalanbood Nuur Cismaan Raage oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in ciidanka AMISOM qaraxa kadib ay soo qab-qabteen dad shacab ah, kadibna ay isugu  geeyeen hal goob oo ay ku toogteen, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka la dilay ay ahaayeen shan qof oo beeraley ahaa iyo sidoo kale labo nin oo darawaliin ahaa oo wadada laga qabtay, xilliga qaraxa.

Nuur Cismaan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay la xisaabtan la sameyso ciidamada AMISOM, si wax looga weydiiyo dhacdadaasi.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan eedeynta culus ee loo jeediyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here