Ciidamada ammaanka DF oo howlgallo kusoo qabtay rasaas iyo maandooriye

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Booliska, qaybta bari ee gobolka Banaadir oo kaashanaya maamulka degmooyinka bari ee gobolka ayaa xalay howlgallo ballaaran ka sameeyey Yaaqshiid, Kaaraan iyo Heliwaa.

Degmooyinkan ayaa ah kuwa ugu badan ee dhaca laga geysta xiliyada habeenkii ah oo kooxo wata Tooreeyo ay shacabka ku dhacaan.

Howlgalka ayaa waxaa lagu soo qabtay maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, dhinaca kale waxaa xusid mudan in ciidanka Booliska ay qabteen rasaas fara badan oo la iibinayey.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda ayaa kordhiyey howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, si looga hortego kooxaha dhaca iyo dilalka ka geysta caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here