Ciidamada ammaanka dowladda oo fashiliyay qarax lagu soo xiray gaari

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahana kuwa Booliska ayaa maanta fashiliyey laba qarax oo lagu soo xiray gaari uu lahaa muwaadin Soomaaliyeed.

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Sadiiq Doodishe oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamada ay qarxiyeen laba miino lagu soo xiray gaari Surf ah.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah, islamarkaana uu nabad qabo ninkii lahaa gaariga.

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyay labo miino oo lagu xidhay Gaadhi Surf ah, kaasi oo uu lahaa qof shacab ah. Ciidanka Boliisku waxay ku guulaysteen inay fashiliyaan dhagarta ay la damacsanaayeen Cadawgu inay ku waxyeeleeyyaan muwaadinkaas oo hada bad qaba,” ayuu ku yiri afhayeenka Booliska Soomaaliyeed qoraalka uu soo saaray.

Ugu dambeyn wuxuu u mahadceliyey dadka shacabka ah oo uu tilmaamay inay lasoo wadaageen xogta qaraxan ay ka hortageen ciidamada ammaanka ee dowladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here