Ciidamada ammaanka howlgal ka sameeyey degmada Dharkenley + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta howlgal qorsheysan ka sameeyey qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Howlgalkaan ayaa waxaa lagu soo qabtay nin ay muddo baadi goobayeen ciidamada Booliska Soomaaliya, sida uu shaaciyey Jimcaale Cadow oo ah taliyaha Dharkenley.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in eedeysanaha ay gacanta ku soo dhigeen ay cabasho ka keeneen dadka deegaanka oo dhac iyo boob uu ku hayey, sida uu sheegay taliyuhu.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray inay ku wareejin doonaan hay’adaha baarista, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Booliska iyo Nabad Sugidda ayaa howlgallo lagu xaqiijinayo ka waday magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here