Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay kooxo burcad ah + Sawirro

0

Taliska ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey howl-gallo lagu sugayey amniga oo ciidamada ammaanka saacadihii u dambeeyey ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay Gaashaanle Cabdiftaax Aadan Xasan oo ah ku simaha Afhayeenka Booliiska waxaa howl-galladan lagu soo qabtay burcad hubeysan oo dhac ka geysanaysay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Gaashaanle Cabdiftaax Aadan Xasan ayaa shaaca ka qaaday in haatan lasoo xiray illaa 14 ruuxn oo ku hubeysnaa qoryahah AK47, Bastoolado & Mindiyo.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir inay la shaqeeyaan ciidamada Booliska, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here