Ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay koox burcad ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgal ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho, waxa ay ku soo qabteen koox burcad ah oo fal dhac ah ka geystay caasimadda.

Raggan oo ka kooban illaa 5 nin ayaa waxaa lagu eedeeyay inay afduubteen gaari ay la socdeen dad shacab ah, kadibna ay dhac u geysteen.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in raggaan ay gaariga iyo shacabka ka kaxeyseen degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, ayna geetene Ex-Control Afgooye, halkaas oo ay dhaca ugu geysteen dadka shacabka ah.

“Ciidanka Booliska Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa ku guleystay in gacanta ku dhigaan Koox shabakad burcad ah oo 06/01/2023 abaara 02:00 Habeenimo gaari nuuca raaxda ah iyo dadkii saarnaa ka afduubtay meel u dhow Garoonka ciyaaraha Stadium Eng Yariisoow ee Degmada Cabdicasiis,” ayaa lagu yiriq qoraalka Booliska gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control ah halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga iyaga oo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa,”

Booliska gobolka Banaadir ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in eedeysanayaasha oo baxsad ah laga soo qabtay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa iyagoo baxsad ah ku qabtay Deegaanka Garasbaaley ee duuleedka Magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo,” ayaa markale lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn Booliska ayaa xusay in raggan oo haatan lasoo xiray loo sii gudbin doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here