Ciidamada ammaanka oo gacanta ku soo dhigay rag burcad ah iyo Mooto Bajaaj

0

MUQDISHO (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada booliska Soomaaliyeed ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay degmada Warta Nabadda, ayada oo lagu soo qabtay rag burcad ah iyo Mooto Bajaaj ay wateen, sida uu shaaciyey taliska Booliska Soomaaliya.

“Abaare 10:00 fiidnimo ee xalay, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafada Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo geystay,” ayaa lagu yiri qoraalka taliska Booliska.

Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda ayaa howlgallo ka waday caasmaddda, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago falalka lidiga ku ah nabad-gelyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here