Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ballaaran ka wada magaalada Jowhar

0

JOWHAR (SMN) – Magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle waxaa ka socda howl-gal lagu xaqiijinayo amniga oo ay wadaan ciidamada ammaanka ee ka howl-gala halkaasi.

Howl-galkan ayaa daba socda qarixii shalay ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaas oo ay waxyeelo ka soo gaartay laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka HirShabelle.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ujeedkooda uu yahay sidii looga hortagi lahaa falalka ammaan darri ee ka dhaca halkaasi.

Jowhar ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee loo qorsheeyey inay ka dhacaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here