Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey degmada Dayniile

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howl-gallada ayaa ahaa kuwa lagu xaqiijinayey amniga degmadaasi, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in ciidamadu ay guri-guri u baarayeen xaafadaha, iyaga oo baadi-goobayo kooxaha geysta falalka liddiga ku ah amniga.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo ay saraakiisha ammaanka ka bixiyeen howl-galladaas oo ahaa kuwa qorsheysan, isla-markaana lagu sugayey amniga degmada Dayniile.

Si kastaba, ciidanka amniga ayaa muddooyinkii dambe howl-gallo ka waday caasimadda, kuwaas oo lagu soo qab-qabtay rag burcad ah oo dhac u geysanayey shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here