Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Boosaaso

0

Ciidamada Booliska Gobalka Bari ayaa howlgal amniga lagu sugayo ka sameeyay Xaafadaha magaalada Boosaaso ee caasimadda Ganacsiga Gobalka Bari , howlgalkan ayaa ujeedkiisu ahaa adkeynta amniga magaalada iyo ka hortagista falalka dhibaatada ku ah Bulshada.

Inta uu howlgalka socday ciidamada waxay baarayeen gaadiidka, goobaha ganacsiga,Hoteelada iyo guryaha sidoo kale dadka qaar oo ciidamadu ay ku tuhmeen in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee magaalada ka dhaca.

Taliyaha Qeybta Boolisla Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamud ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalka lagu soo qabtay dad la tuhmay, kuwaas oo hadda lagu haayo saldhiga booliska magaalada baaritaanona ay ku socdaan.

Sidoo kale inta uu howlgalka socday ayaa Taliyaha iyo Ciidmada waxay bulshada ka wareesanayeen amniga iyo in ay jiraan kuwo dhibaato u geeysta shacabka balse bulshada ayaa Taliyaha ku amaanay xaqiijinta amniga oo habeen iyo maalin ay u taagan yihiin ciidamada Booliska oo gaaf wareega xaafadaha suuqyada iyo jidadka magaalada Bosaaso oo gaadidika iyo dadka lagu baaro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here