Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka sameeyey magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (SMN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Howl-gallada oo ahaa kuwa lagu xaqiijinayey ammaanka ayaa waxaa si gaar ah looga sameeyey degmooyinka Xamar Jajab, Waaberi, Hodan iyo Howlwadaag.

Ciidamada ayaa baarayey gaadiidka, mootooyinka iyo dadka socotada ah, waxaana inta uu socday howl-galka lagu qabtay tiro dhalinyaro ah oo badi lasii daayey markii dambe.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac loo geysanayey dadka shacabka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here